DHAGEYSO:Rw Xamse oo ku dhawaaqay in la kordhinayo qoondada hay’adda naafada Soomaaliyeed

0
386

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah ayaa sheegay in dowladda ay kordhineyso miisaaniyadda Hay’adda Naafada Soomaaliyeed.
Waxaa uu tilmaamay in xukuumaddiisa ay dareen gaar ah siineyso sidii wax loogu qaban lahaa dadka qaba baahiyaha gaarka ah, loona ilaalin lahaa xaquuqda asaasiga ah ee dhinacyada shaqo siinta iyo kor u qaadidda xirfadahooda.

Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaaraha ka jeediyay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid ah dowladaha saxiixday Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka Naafada ah, taasoo muujineysa mudnaanta sare ee la siinayo, si loo ilaaliyo xaqa ay ku leeyihiin dadka iyo dalka.