DHAGEYSO:Ruto oo sheegay inuusan raaligelin ka bixin doonin hadal uu horay u jeediyay oo hadda soo shaac baxay

0
428

Madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee xisbiga UDA William Ruto ayaa sheegay inuusan raaligelin ka bixin doonin hadal uu horay u jeediyay oo hadda soo shaac baxay.
Hadalkaasi ayaa ahaa inuu ku sigtay inuu dharbaaxo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta xilli uu u muuqday mid ka niyad jabay loolanka siyaasadeed ka dib markii maxkamadda ugu sarreysa wadanka ay laashay natiijadii doorashadii guud ee sanadkii 2017-kii .