DHAGEYSO:Ruto oo Raila ugu baaqay inuu dib u eego go’aanka qaadacaadda doodda madaxweyne

0
456

Madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza, William Ruto ayaa dhigiisa Azimio Raila Odinga ugu baaqay inuu dib uu eego go’aanka ah inuusan kala qayb geli doonin dood la qorsheeyay in 26-ka bishan oo berri ku beegan loo qabto musharraxiinta xilka madaxweynenimo.
Xilli uu maanta dadweynaha kula hadlay ismaamulka Nandi ayuu William Ruto carrabka ku adkeeyay inuu iska xaadirin doono goobta lagu qabanaya doodda musharraxiinta madaxweyne.
Waxaa uu xusay in goobta lagu qaban doono doodda uu ku sugi doono Raila Odinga si uu ugala qaybgalo.

Shalay ayay ahayd markii qoraal ka soo baxay afhayeenka xoghaynta ololaha madaxweynenimo ee Raila Odinga, Prof. Makau Mutua lagu sheegay in Raila uunan dood kala qayb galayn dhigiisa Kenya Kwanza William Ruto.