DHAGEYSO:Ruto oo ka hadlay go’ankii Raila ee uu ku soo xushay ku xigenkiisa

0
601

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ka hadlay go’anka Raila Odinga ee ah in uu ku xigeen uu xushay madaxa xisbiga Narc Martha Karua ayaa sheegay in go’ankaas uu u muuqdo mid god dheer ku ridaayo rajaadiisi.
Ruto ayaa ku boorriyay dadka Kenyanka ah inaysan u codeyn isbeheysiga Azimio xilliga doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan .
Waxaa uu Kenyaanka u diray baaq ku aadan in ajeendaha ugu wayn ee Azimio uu yahay isbeddel lagu sameeyo dastuurka halkii ay diiradda saari lahaayeen dib uu eegis lagu sameeyo dhaqaalaha dhammaan muwaadiniinta.
William Ruto oo shalay isku soo baxyo kala duwan ku qabtay ismaamulka Kajiado ayaa ku celceliyay in loo baahan yahay in mudnaanta koowaad la siiyo wanaajinta dhaqaalaha dalka oo aan mar kale lagu mashquulin isbeddel dastuuri ah.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa Raila ku tilmamaay in uu yahay nin khaa’in ah taasoo sida uu hadalka u dhigay soo baxday ka dib burburkii Isbeheysiga Azimio- One Kenya Alliance maadaama uu Kalonzo Musyoka sheegay in Azimio iyo One Kenya ay u kala taagan yihiin sidii loo aasaasay.

Raila ayaa markii uu magacaabayay Karua uu sheegay in laga filayo in ay dib u soo noolayn doonto rabitaanka isbeddelka dastuurka haddii isbeheysiga Azimio uu ku guuleysto doorashada guud ee soo socoto