Waxaa maanta magaalada Garissa lagu qabtay isku soo bax roob- doon ah oo Alle looga baryayey inuu bulshada ka dulqaado abaarta saameynta ku yeelatay 24 ka mid ah ismaamullada dalka oo ay ku jiraan kuwa gobolka waqooyi bari .
Culimadii soo qaban qaabisay roob doonka waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha dalladda hoggaamiyaasha muslimiinta ee NAMLEF laanteeda Garissa, Sheekh Xasan Cabdullahi Camey oo ka dib markii isku soo baxa uu soo idlaaday u warramay warbaahinta Star isagoo dhanka kale muslimiinta ugu baaqay inay badiyaan baryada Alle.