DHAGEYSO:Rigathi Gachagua oo saraakiisha 14 ismaamul ku amray inay wax ka qabtaan khamriga sharci darrada ah

0
366

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa ku amray saraakiisha maamulka ee 14 ismaamul ee ku yaalla gobolka Rift Valley in wax ka yar bil gudaheed ay wax kaga qabtaan Khamriga sharci darrada ah ee dowlad deegaannadani lagu iibiyo.
Rigathi Gachagua oo maanta kulan gaar ah magaalada Nakuru kula yeeshay hoggaamiyayaasha laga soo doortay gobolka Rift Valley iyo mas’uuliyiinta maamulka ayuu ka codsaday laamaha amniga inay gacanta ku dhigaan shakhsiyaadka ku howlan ka ganacisga Khamriga sharci darrada ah.
Gachagua oo uu wehliyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa digniin u diray kooxaha dambiilayaasha oo la midka ah Mungiki oo horraan wadanka laga mamnuucay.