Ra’iisul Wasaare Soomaaliya Maxamed Rooble oo Kulan la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Kenya Qaarkood ayaa sheegay inay isaga iyo madaxda kale ee Qaranka Soomaaliyeedba ka wada go’antahay in dalka doorasho ka hirgasho isagoo sheegay in Waxyaabaha daaha keenay ay ka mid yihiin duruufihii la soo maray, doorashaduna ay Bilaabatay.
Wuxuu kaloo Tilmaamay Ra’isulwasaaruhu inaysan Jirin wax Caqabad iyo iskhilaaf ah oo ka dhex jira isaga iyo Madaxweynaha.
Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhanka kale wuxuu ka hadlay Xiriirka ka dhexeeya Dalalka Kenya iyo Soomaaliya maadaam Soomaaliya iyo Kenya wax badan ka dhexey isagoo ugu danbayntiina ka hadlay arinta Badda wuxuuna sheegay inaysan jirin cid bad Soomaaliyeed Saxiixi karta iyo Cid ku dhiiran karta Midna.