Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen ayaa sheegay in Howlihii ugu muhiimsanaa ee uu u tagay galmudug ee la xiriiray arrinta doorashada ay ku guulasteen islana garteen inay doorashadu ku dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan.
Ra’isulwasaaraha ayaa sheegay inuu madaxweynaha maamulka Galmudug ku ammaanayo sida ay kaga go’an tahay qabashada doorashada.
Ra’isulwasaare Rooble ayaa sheegay inay maamul goboleedka Galmudug ku garab taagan yihiin hirgelinta dowladnimada, nidaamka iyo kala dambeynta si bulshada deegaanku horumar u gaarto,isagoo ugu baaqay dhamana maamul goboleedyada kale inay sida ugu dhaqsiyaha badan doorashada baarlamaanka hoose u bilaabaan.
Wuxuuna ra’isulwasaaruhu wax laga xumaado ku tilmaamay shaqaaqoooyinkii iyo dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaanada galmudug isagoo tilmaamay inaysan marna ogolaanayn wax dowladnimada ka soo horjeeda.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo ku baaqay in la dhamaystiro doorashada goolaha shacabka