DHAGEYSO:Ra’isulwasaarada Soomaaliya oo Kulamo ka wada Ingiriiska

0
298

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Wasiirka Wasaarada Waxbarshada,Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Maamulaha Guud ee Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ee Waxbarashada Alice Albright.
Waxay ka wada hadleen hormumarinta mashaariicda Waxbarashada Soomaaliya iyo istiraatijiyadda taakuleynta Waxbarashada wadanka Sooomaaliya ee shanta sano ee socota.
Kulanka ayaa qeyb ka ah shirarka horudhaca u ah shirka horumarinta Waxbrashada, kaasoo socon doono muddo labo cisho ah.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa kulankaan ku wehlinayay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Carab, waxaana uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu sii wadi doono kulamada inta uu ku sugan yahay Magaalada London ee uu kaga Qaybgalayo Shirweynaha Waxbarashada aduunka.