DHAGEYSO:Ra’isul wasaaraha Somalia oo soomalida kulan kula yeeshay Mombasa

0
537

RW Soomaaliya mudane Maxamed Xussein Rooble oo maanta kulan kulay magaalada Mombasa Soomaalida halkasi ku dhaqan sida uu warkan ku eegayo wariyeheena Mombasa Maxamed Cabdi Bootaan.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah ganacstada Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda dalka ee Nairobi.
Kulanka ayaa ahaa mid soo dhaweyn ah oo ay ganacsatada ugu waramyeen ra’iisul wasaaraha xaaladaha ganacsiyadooda dalkani Kenya.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abubakar oo ka mid ahaa wafdigii Ra’iisul wasaare Rooble oo Shir Jaraa’id galabta ku qabtay Hotelka Sarena ee magaalada madaxda dalka Nairobi ayaa shaaca ka qaaday in xukumadda Kenya ay ka wada xaajoodeen sii xoojinta xiriirka labada dhinaca ee arrimaha Diplomaasiyadda, Ganacsiga, Socdaalka, Amniga & Deris-Wanaagga.