Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay inuunan waxba iska beddelin qorshahooda ah in marka la gaaro 20-ka bishan ay guud ahaan dalka ka billaabi doonaan dibadbaxyo waawayn oo ay dowladda dhexe ku cadaadinayaan inay xalliso arrimo ay saluugsan yihiin.
Waxyaabaha ay siyaasiyiinta garabka mucaaradka dalbanayaan waxaa ka mid ah in la furo hannaanka codbixinta ee guddiga IEBC iyo in hoos loo dhigo sare u kaca qiimaha maciishadda .
Raila ayaa sheegay in mudaharaadyada ay noqon doonaan kuwo nabad ah oo aan dhibaato loogu gaysan shacabka iyo ganacsiyadooda.