DHAGEYSO:Raila oo sheegay inuu ku dhawaaqi doono tallaabo wayn oo siyaasadeed

0
478

Madaxa isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga ayaa sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono tallaabo sida uu hadalka u dhigay gilgilaysa saaxadda siyaasadeed ee wadanka.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Siaya ayuu hoosta ka xarriiqay inay ku guda jiraan sidii kenyaanka looga xoreyn lahaa ballanqaadyo uu ku andacoonaya in maamulka talada haya ee Kenya Kwanza uunan dadweynaha u oofin.
Waxaa uu dhanka kale dhaliilay siyaasiyiin horay uga tirsanaa isbeheysiga Azimio oo doorashadii ka dib u wareegay dhanka kale.
Raila ayaa cadeeyay in qaar ka mid ah madaxdan ay sheegeen inay doonayaan inay dowladda dhexe mashaariic horumarineed uga helaan ismaamulladooda balse taasi aynan qiil ahayn.

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka oo ka tirsan isbeheysiga Azimio ayaa horay u sheegay inay soo bandhigi doonaan gole wasiirro oo leh miisaaniyad uu ku shaqeeyo si uu ula xisaabtamo dowladda.
Ilaa iyo hadda ma cadda tallaabada rasmiga ee uu qaadi doono Mr. Odinga oo aan ku qancin natiijadii ka soo baxday doorashadii guud ee bishii Siddeedaad ee sanadkan.