DHAGEYSO:Raila oo mudda 30 cisho oo kama dambeys u qabtay dowladda

0
373

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa shaaca ka qaaday inuu taageerayaashiisa u tilmaami doono tallabada xigta bisha soo socota haddii wada hadallada labada dhinac ee mucaaradka iyo Kenya Kwanza uu noqdo mid aan miro dhallin.
Mr. Odinga ayaa ku adkeystay in Azimio ay diyaar u tahay inay wada hadal la yeelato isbeheysiga talada dalka haya ee Kenya Kwanza.
Hasa ahaate ee kaliya doonayaan in dowladda ay wax ka qabato cabashada mucaaradka iyada oo aynan shuruud ku jirin.

Hadalka ra’iisul wasaarihii ee dalka ayaa imaanaya maalin un ka dib markii Kenya Kwanza ay ka codsatay Azimio inay dib u dhigaan taariikhda la billaabaya wada hadallada.