DHAGEYSO:Raila oo madaxweynaha ugu baaqay inuu joojiyo ka hadalka arrimaha canshuurta

0
404

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga oo shalay isku soo bax siyaasadeed ku qabtay deegaanka Kibra ee ismaamulka Nairobi ayaa baaq u diray madaxweynaha dalka.
Waxaa uu kula taliyay inuu joojiyo sida joogtada ah ee uu uga hadlaya bixinta canshuuraha.
Raila ayaa hoosta ka xarriiqay in tani ay tahay howl u taalla maamulka KRA oo laga doonaya inuu waajibaadkiisa dastuuriga ah ka soo baxo.
Raila ayaa dhanka kale madaxweyne William Ruto u soo jeediyay inuunan soo hadal qaadin magaca hoggaamiyihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta iyo qoyskiisa isagoo ku eedeynaya inaysan canshuur bixin.

Raila Odinga ayaa sidoo kale sheegay inay weli ku adkeysanayaan inay ku guulaysteen natiijadii doorashadii guud ee sanadkii hore sidaas awgeedna aynan aqoonsanayn madaxweynaha iyo maamulkiisa.