DHAGEYSO:Raila oo ku hanjabay in dibadbaxyada dib u billabi doonaan haddii wada hadallada fishilmaan

0
312

Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja-One Kenya, Raila Odinga ayaa sheegay inay dib u billaabi doonaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda dhexe haddii wada hadallada u socda maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza iyo mucaaradka Azimio ay natiijo la’aan ku soo dhamaadaan.

Mr. Odinga ayaa dhanka kale si kulul u dhaliilay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua oo uu ku tilmaamay shakhsi aan hadal wanaagsan ku hadlin sidoo kale carqaladeynaya wada hadallada socda.