DHAGEYSO:Raila oo ku gacan seyray eedeynta ah in Uhuru Kenyatta uu maalgelinaya dibadbaxyada mucaaradka

0
417

Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa meesha ka saaray sheegashada ah in madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta uu maalgeliya dibadbaxyada mucaaradka.
Raila oo wareysi siiyay warbaahinta BBC-da ayaa ku adkeystay in Uhuru Kenyatta uusan faraha kula jirin arrimaha gudaha ee isbeheysiga Azimio, in kastoo uu weli xubin ka yahay.
“Waxaa jiray eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn oo sheegaya in madaxweynihi hore ee wadanka Uhuru Kenyatta uu maalgeliyo dibadbaxyada mucaaradka ee hadda socda, waa wax runta ka fog,” ayuu yiri Mr.Odinga
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa intaasi ku daray in Uhuru Kenyatta uu wali yahay guddoomiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya, islamarkaana uusan wakhti u helin arrimaha gudaha ee isbeheysigan.
Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa ilaa iyo hadda ka jawaabin eedeymaha loo soo jeediyay ee la xiriira maalgelinta dibadbaxyada mucaaradka.
Arrintan ayaa ku soo aadeyso iyadoo maalinkii Isniinta ee toddobaadkan koox aan wali la aqoonsan ay duullaan ku qaaday dhul beereed ay leeyihiin qoyska Uhuru Kenyatta.
Waxaa eedeyntan dhowr mar jeediyay siyaasiyiinta ka tirsan isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza.
Dhanka kale Raila Odinga oo wax laga waydiiyey inuu qaadanaya mas’uuliyadda rabshadaha ka dhasha dibadbaxyada ayaa ku jawaabay sidatan.