DHAGEYSO:Raila oo ka hadlay qorshaha kordhinta canshuuraha

0
280

Madaxa isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa sheegay inay kenyaanka ku wacyigelin doonaan inay ka soo horjeestaan qorshaha maamulka talada haya ee dhanka canshuuraha ah haddii aan shacabka arrintan si buuxda looga qayb gelin.
Waxaa uu Raila ku doodaya in dowladda ay culeys dheeraad ah saareyso muwaadiniinta ka hor inta aynan oofin ballanqaadyadii ay sameysay.

Hadalkan ayuu sheegay xilli uu deegaanka bariga Mumias ee ismaamulka Kakamega uga qayb galay aaska hooyada barasaabka dowlad deegaankaasi Fernandes Barasa.