Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga oo maanta booqday goobtii uu Khamiistii hore ka dhacay qaraxa gaaska ee aagga Mradi ee deegaan baarlamaneedka Bariga Embakasi oo ka tirsan ismaamulka Nairobi ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay dib u dejin u sameyso oo ay magdhow siiso dadkii waxyellada ka soo gaartay dhacdadaasi.
Mr. Odinga ayaa sheegay in dowladda ay tahay inay siiso qoys waliba oo ay saameyn ka soo gaartay qaraxii gaaska min 500,000 oo shilin si ay dhaqaalahan nolol cusub ugu billaabaan.
Waxaa uu madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu arrintan wax ka qabto oo uu xaqiijiyo in qoys walba uu helo 500 oo kun shilin.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Raila oo dowladda ugu baaqay in dhibbanayaasha qaraxii Embakasi ay siiso dhaqaalo...