Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa si kulul uga hadlay heshiiska shidaalka ee ay dowladda dhexe la gashay waddamo shisheeye.
Mr. Odinga ayaa xusay in arrintan ay horseedday qiimaha sarreeya ee shidaalka.
Madaxa isbeheysiga Azimio ayaa ku andacooday inuu hayo dokumeenti muujinaya qiimaha saxda ee shidaalka islamarkaana uu toddoobaadka dambe soo bandhigi doono.
Waxaa uu intaasi ku daray in shirkadaha batroolka ay jeebka ku shubtaan 30 shilin litir kasta oo shidaal ah oo ay kenyaanka iibsadaan.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Raila oo dhaliilay heshiis dhanka shidaalka oo ay dowladdu la gashay waddamo...