DHAGEYSO:Raila oo dacwad ka dhan madaxweynaha dalka u gudbinaya maxkamadda

0
360

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa sheegay inuu maxkamadda u gudbin doono dacwad ka dhan ah madaxweynaha dalka William Ruto oo uu ku eedeyay in uu sameeyay guddi baaritaan ku sameeya dhacdo dhawaan 112 meydad ah looga helay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Raila Odinga ayaa ku adkeystay in madaxweyne Ruto uusan awood dastuuri ah u lahayn inuu so dhiso guddigan.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa xusay in baarlamaanka oo kaliya uu sameyn karo guddigaasi xaqiiq raadinta ah.

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhawaan soo dhisay guddigan oo kala ah garsoore Jessie Lesiit, garsoore Mary Muhanji Kasongo, Eric Gumbo, Bishop Catherine Mutua, Dr. Jonathan Lodompui, Dr. Frank Njenga, Wanyama Musiambu, Albert Musasia waxaana guddigan xoghayeyaal u ah Oliver Karori iyo Rachel Maina.
Waxaa hoggaamin doono qareenka lagu magacaabo Kioko Kilukumi oo ay caawinayaan Vivian Nyambeki iyo Bahati Mwamuye.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House , Xuseen Maxamad ayaa shaaciyay in madaxweynaha uu sidoo kale guddi u saaray dib u eegista nidaamyada sharciyeed iyo kuwa maamulka ee lagu maareeyo hay’adaha diimeed.