DHAGEYSO:Raila oo cambaareeyay tallaabo lagu burburiyay dhismooyin ku yaallay Voi

0
242

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja Raila Odinga ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabo lagu buuburiyay dhismooyin ku yaalla aagga Msambweni ee deegaanka Voi, ee ismaamulka Taita Taveta.
Dhacdadan lagu burburiyay dhismooyin badan ayaa waxay saameysay 3,000 oo qoys.
Hoggaamiyaha Azimio Raila Odinga ayaa dowladda ku dhaliilay arrinkan isagoo eedeyn u jeediyay madaxeynaha dalka William Ruto.
Qaar ka mid ah qoysaska ay dhacdadan saameysay ayaa warbaahinta u sheegay in tallaabada lagu burburiyay dhismooyinkii ay deganaayeen aan lagu wargelin.

Waxaa  sidoo kale guriyaha halkaasi lagu dumiyay cambaareeyay  barasaabka ismaamulka Taita Taveta Andrew Mwadime.