DHAGEYSO:Raila oo bogaadiyay waxqabadka xildhibaannada mucaaradka

0
216

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa amaanay waxqabadka xildhibaannada baarlamaanka ee ka tirsan garabka mucaaradka.
Tani ayaa timid ka dib markii cilmi baaris ay sameysay shirkadda darasaadka ee Infotrak oo warbixinteeda la soo saaray lagu sheegay in xildhibaanka deegaanka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi Paul Ongili oo loo yaqaano Babu Owino uu yahay mudanaha ugu waxqabadka fiican xildhibaannada laga soo doortay 17-ka deegaan ee Nairobi.
Waxaa uu helay boqolkiiba 60 marka la eego qaabka uu ugu adeego shacabka uu ku matalo baarlamaanka.
Waxaa Babu Owino soo raaca dhigiisa deegaanka Westlands Timothy Wanyonyi oo helay boqolkiiba 58.
Mudanaha Bartamaha Embakasi Benjamin Gathiru ayaa isna helay boqolkiiba 56 halka dhigiisa Waqooyiga Embakasi James Mwangi uu helay boqolkiiba 55.
Xildhibaanka deegaanka Ruaraka Francis Tom Joseph Kajwang oo isna ka tirsan ODM ayaa helay boqolkiiba 54.
Raila Odinga oo arrinkan soo dhaweeyay ayaa siyaasiyiinta UDA ugu baaqay inay iyagana xoojiyaan waxqabadkooda .

Shirkadda Infotrak ayaa warbixinteeda ku sheegtay in mudanaha deegaanka Kiharu ee ismaamulka Murang’a , Ndindi Nyoro oo ka tirsan xisbiga wadanka hoggaamiya ee UDA uu yahay xildhibaanka ugu waxqabadka fiican guud ahaan dalka.
Ndindi ayaa helay boqolkiiba 70 marka la eego waxqabadkiisa.
Infotrak ayaa waxqabadka xildhibaanka deegaanka Koonfurta Dagoretti ee ismaamulka Nairobi ,John Kiarie ku sheegtay boqolkiiba 54.
Mudanaha Galbeedka Embakasi Mark Samuel Muriithi, dhigiisa Kasarani Ronald Kamwiko iyo xildhibaanka Koonfurta Embakasi Julius Musili ayaa saddexduba helay waxqabad dhan boqolkiiba 52 halka Phelix Odiwuor iyo Beatrice Elachi oo laga soo kala doortay Langata iyo Waqooyiga Dagoretti ay kala heleen boqolkiiba 50.
Marka la eego gobolka Bariga dalka , xildhibaanka Koonfurta Igembe John Paul, mudanaha Bartamaha Mwingi Gideon Mutemi iyo xildhibaanka Kathiani Robert Mbui ayay Infotrak waxqabadkooda ku sheegtay boqolkiiba 66.
Dhanka Xeebta, sida lagu ogaaday ra’yi uruurinta waxaa ugu waxqabad fiican xildhibaanka deegaanka Changamwe ee ismaamulka Mombasa Cumar Mwinyi oo helay boqolkiiba 64.
Gobolka Rift Valley waxaa ugu waxqabad fiican xildhibaannada deegaanka Galbeedka Samburu Naisula Lesuuda oo heshay boqolkiiba 63.
Dhanka gobolka Waqooyi Bari waxaa waxqabad ahaan ugu horreeya xildhibaanka Bariga Mandera Cabdiraxmaan Xuseen Weytaan oo helay boqolkiiba 55.
Waxaa soo raaca Maxamad Caddow oo laga soo doortay Koonfurta Wajeer iyo dhigiisa Ijara Cabdi Cali oo labaduba helay boqolkiiba 53.
Xildhibaanka Galbeedka Mandera Aadan Xaaji Yuusuf iyo dhigiisa Lafey Maxamad Cabdikheer ayaa helay boqolkiiba 51 oo waxqabad ah.
Dhanka ismaamulka Wajeer, waxay shirkadda Infotrak waxqabadka xildhibaanka deegaanka Ceeldaas Aadan Keynaan , dhigiisa Waqooyiga Wajeer Ibraahim Cabdi Saneey iyo xildhibaanka Galbeedka Wajeer Yuusuf Maxamad ku sheegtay boqolkiiba 50.
Galbeedka dalka, dhanka waxqabadka ee xildhibaannada waxaa ugu horreeya Christopher Aseka oo laga soo doortay deegaanka Khwisero ee ismaamulka Kakamega oo helay boqolkiiba 66.
Waxaa soo raaca Peter Salasya oo laga soo doortay Bariga Mumias oo helay boqolkiiba 64.
Dhanka gobolka Nyanza, waxaa xildhibaannada dhanka waxqabadka ugu horreeya mudanaha Homa Bay Town George Peter Opondo Kaluma oo soo hooyay boqolkiiba 66.
Marka la eego waxqabadka xildhibaannada 8-da gobol ee dalka waxaa isku celcelis ahaan ugu waxqabad wanaagsan kuwa gobolka Bariga oo ah boqolkiiba 56, Nyanza iyo Galbeedka (55%),Bartamaha iyo Rift Valley (54%) .
Waxaa waxqabadka xildhibaannada dalka ugu hooseeya kuwa Xeebta iyo Waqooyi Bari oo kala ah boqolkiiba 53 iyo boqolkiiba 49.
Shirkadda darasaadka ee Infotrak ayaa waxqabadka guud ee xildhibaannada dalka isku celcelis ahaan ku sheegtay boqolkiiba 54.
Ra’yi uruurintan ayaa la sameeyay intii u dhexeysay bilihii Toddobaad iyo Sagalaad ee sanadkan.
Waxaa su’aallo la waydiiyay dad ku nool 47-da ismaamul ee dalka 290-ka deegaan baarlamaneed iyo 1450 oo ah deegaannada hoose.
Infotrak ayaa tirada dadka ee ka qayb qaatay ra’yi uruurintan ku sheegtay 58,748 .
Shirkadda ayaa sheegtay in markii hore bishii Toddobaad ilaa bishii Siddeedaad ee sanadkan ay su’aallo waydiisay 36,200 qof halka ra’yi uruurintii labaad ay ku wareysatay ugu yaraan 22,500 ruux.
Wareysiyada ayaa lagu qaaday qaab dhigitaal ah iyadoo la adeegsanaya taleefoon.
Shirkadda darasaadka ee Infotrak ayaa warbixinteeda ku sheegtay in qiimeyntan ay kenyaanka iyo daneeyayaasha siinaysa xog ku saabsan sida ay shacabka u arkaan waxqabadka xildhibaannada baarlamaanka ku matalo.