DHAGEYSO:Raila oo ballanqaaday inuu xallin doono xadgudubyada taariikhiga

0
568

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio la Umoja- One Kenya ,Raila Odinga ayaa shacabka ku nool ismaamulka Narok u ballanqaaday in hadii hoggaanka wadanka uu qabto, maamulkiisa uu xallin doono xadgudubyada taariikhiga ee dhanka dhulalka.
Waxaa uu sheegay inuu dhibaatooyinkan si fudud ku soo afjari doono.
Raila Odinga oo sidoo kale soo hadal qaaday arrimaha keynta Mau ayaa xusay inuu suuq u raadin doono waxyaabaha laga soo saaro xoolaha nool ee la dhaqdo.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa labadii bilood ee ugu dambeeyay , saddex mar isku soo bax ku qabtay dowlad deegaanka Narok.