DHAGEYSO:Raila Odinga oo sheegay inuunan taageero siyaasadeed uga baahneyn Uhuru

0
942

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay in madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta uu keliya uga baahan yahay inuu si la mid ah muwaadiniinta kale codkiisa ku taageero xilliga doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Waxaa uu beeniyay inuu yahay shakhsi matalaya rabitaanka hoggaamiyaha dalka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya ayaa hoosta ka xarriiqay inuu doonaya inuu la tartamo musharraxiinta kale ee madaxweynenimo isaga oo aan loo arkin inuu yahay mashruuc siyaasadeed.
Raila oo u warramay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa xusay inuu weli haysto muddo ku filan oo uu ku soo xulan karo ku xigeenkiisa.
Mr. Odinga ayaa sheegay in haddii si caddaalad ah looga guulaysto doorashada sanadka dambe uu aqbali doono natiijada codeynta.