DHAGEYSO:Raila Odinga oo sheegay inaynan rabshad ka wadin gudaha dalka

0
316

Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja –One Kenya ayaa abaare 2-da duhurnimo ee maanta isku soo bax dadweyne ku qaban doono fagaaraha Kamukunji grounds ee ismaamulka Nairobi.
Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Raila Odinga ayaa saaka ka qayb galay munaasabad ka dhacaysay kaniisadda ACK ee waddada Jogoo Road.
Waxaa uu halkaasi ka sheegay inay daneynayaan nabad galyada dalka oo aynan ku howlanayn inay rabshad abuuraan.
Waxaa uu difaacay dibadbaxyada ay hakiyeen ee uu maalmo ka hor shaaciyay inay dib u billaabi doonaan marka ay dhamaato bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dhanka kale taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayaa sheegay in la sugi doono ammaanka hoggaamiyaasha mucaaradka iyo taageerayaashooda ee maanta ka qayb galaya isku soo baxa dadweyne ee fagaaraha Azimio hasa ahaate saraakiisha ammaanka ay tallaabo ka qaadi doonaan cidii ka tallaabsata dastuurka dalka.

Dhanka kale hoggaamiyaasha haweenka ee gobolka Xeebta sida wasiirradda jinsiyadda Aisha Jumwa, wakiilka haweenka ee ismaamulka Taita Taveta Lydia Haika iyo Miraj Cabdullahi Cadulraxmaan oo aqalka sare si magacaabid ah ugu biirtay ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ka codsaday inaynan dib u billaabin dibadbaxyada.

Waxaa baaq kani la mid ah soo saaraya guddoomiyaha golaha sare ee muslimiinta dalka SUPKEM, Sheekh Xasan Ole Naado.