Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa sheegay inuunan wax isbeddel ah ku imaan qorshahoodii ahaa inay maanta guud ahaan wadanka ka sameeyn doonaan dibadbax.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shalay taliyaha booliiska ee ismaamulka Nairobi Adamson Bungei uu sheegay in isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya aan loo fasaxin inuu berri mudaaharaad ka sameeyo gudaha magaala madaxda dalka ee Nairobi.
Shir jaraaid oo uu qabtay ayuu taliyaha ka sheegay in mucaaradka uunan ka soo bixin shuruudo laga doonayay sida inay xilli hore qorshahooda ku wargeliyaan laamaha ammaanka.
Waxaa uu xusay in Raila iyo xulafadiisa laga doonayay inay wargelintan gudbiyaan ugu yaraan saddex maalmood ka hor taasina aynan sameyn.
Taliyaha ayaa sheegay in lala wadaagay labo codsi oo ka yimid guddiga ganacsatada ee Nairobi iyo Mucaaradka.
Codsiyadan ayaa sida uu sheegaya taliyaha booliiska ee Nairobi laamaha ammaanka loo bandhigay galinkii dambe ee shalay iyo saaka sidaas awgeedna lama ansixin maadaama lala soo dib dhacay.
Waxaa uu wacad ku maray in cidii ka qayb qaadata dibadbax aan fasax loo haysan laga qaadi doono tallaabo sharciyeed.
Sidoo kale mid ka mid ah guddiga ganacsatada Nairobi ayaa ka hadlay in booliiska aynan ansixin mudaaharaadka ay codsadeen
Hasa ahaate waxaa arrintan beeniyey xisbiga ODM oo bayaan soo saaray.
Waxaa bayaanka ku cad in 17-kii bishan Saddexaad uu guddoomiyaha golaha fulinta ee isbeheysiga Azimio Wycliffe Oparanya uu warqad u qoray taliyaha saldhigga dhexe ee booliiska Nairobi isagoo u sheegaya inay 20-ka bishan dibadbax dhigi doonaan sidaasi awgeedna ay doonayaan in laga sii war qabo oo amnigooda la xaqiijiyo.
Madaxa ODM Raila Odinga oo shalay la hadlay shacabka deegaanka Rongai ayaa mar kale sheegay in booliiska horay loogu wargeliyay dibadbaxa sidaas awgeedna uu mudaaharaadka qabsoomi doono.
Raila ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha ay dibadbaxyada u sameynayaan .
Raila Odinga oo dhawaan wareysi siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa sheegay in dibadbaxa ay berri ka billaabayaan guud ahaan wadanka uunan ahayn mid hal maalin ku eg.
Waxaa uu wacad ku maray inay mudaaharaadyo sameyn doonaan iyo tallaabooyin kale ilaa iyo inta dowladda dhexe ay ka dhaqangelinayso dalabaadkooda.
Raila Odinga ayaa cadeeyay in haddii marka la furo keydka doorashooyinka ee IEBC ay soo baxdo in madaxweynaha dalka William Ruto uu si cadaalad ah ku guulaystay bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ay fursad u siin doonaan inuu sii ahaado hoggaamiyaha dalka ilaa codeynta xigta ee sanadka 2027-ka maadaama uu hadda aaminsan yahay in sanadkii hore doorashada la musuqmaasuqay.
Mr. Odinga oo sheegay in isaga iyo madaxweynaha dalka aynan weli wada hadlin ayaa dhanka kale beeniyay inuu doonaya heshiis siyaasadeed oo la mid ah midkii sanadkii 2018-kii dhex maray isaga iyo hoggaamiyihii hore ee wadanka Uhuru Kenyatta.
Madaxa Azimio ayaa carrabka ku adkeeyay inuunan daneynayn maamul qaybsi balse keliya ay rabaan in loo cadeeyo in Ruto uu si xalaal ah ugu guulaystay xilka madaxtinnimo.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda dhexe ay fududeysatay wax ka qabashada tabashooyinka mucaaradka taasina ay keentay inay mudaaharaad qorsheeyaan.
Sidoo kale waxaa uu madaxweyne Ruto ku dhaliilay inuunan ka falcelin hadal uu jeediyay ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua oo isbarbardhig ku sameeyay shirkad iyo maamulka dowladeed.
Hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio Raila Odinga oo la waydiiyay inuu diyaar u yahay inuu madaxweynaha kala hadlo qodobbada ay saluugsan yihiin ayaa ku jawaabay in tani ay suurtageli karto keliya marka ay mudaaharaadka sameeyaan ka dib.




