Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Rail Odinga ayaa dhaliilay qorshaha ay dowladda dhexe ku dhaqangelinaysa mashruuca guryeynta la awoodi karo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in barnaamijkan aan lagu guulaysan doonin maadaama sida uu hadalka u dhigay uunan taageero ka haysan dadweynaha.
Mr. Odinga ayaa walaac ka muujiyay in maamulka madaxweyne William Ruto uunan kenyaanka si joogto ah ula socodsiin horumarka laga gaaray mashruucan balse uu diiradda saaraya cadaadiska la xiriira canshuurta guryeynta.
Madaxa Azimio ayaa hoosta ka xarriiqay in mashruuca guriyeynta uu qayb ka ahaa qorshihii dowladii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa ee Mwai Kibaki balse caqabadda la xiriirta ay tahay in dadweynaha aynan la dhacsanayn.
Waxaa uu ku celceliyay in ay jiraan xuquuq kale oo aasaasi ah oo aan la haqabtirin sida helidda cunnada.




