DHAGEYSO:Raila Odinga oo sheegay in dhammaan wadayaasha mootooyinka aysan dambiilayaal ahayn

0
355

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa ka hadlay howlgalka guud ahan dalka ka socda ee lagu beegsanayo wadayaasha mootooyinka ka dib dhacdo hadal hayn badan dhalisay oo haweeney darawalad ahayd ay ku weerareen waddo ka tirsan magaalada Nairobi maalmo ka hor.
Mr.Odinga oo ka hadlay arrintan ayaa ka digay in dhibaato loo gaysto dhammaan wadayaasha dhugdhugleyda ku shaqaysta sababo la xiriira khaladaad ay qaar ka mid ah gaysteen.
Waxaa uu booliska ku boorriyay in khalad uu galay shakhsi aanan loo ciqaabin dhammaan wadayaasha mootooyinka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa waaxda qaran ee adeegga booliska wadanka ugu baaqay inay xoogga saaraan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dambiileyaasha saxda ah, iyadoo dhanka kale kuwa aan waxba galabsan loo ogolaado in howlahooda sida caadiga ah ay u wataan.
Mar uu arrimahan ka hadlay ayuu yiri madaxa xisbiga ODM Raila Odinga