DHAGEYSO:Raila Odinga oo shaaciyay in 29-ka bishan ay isku soo bax kale qaban doono

0
355

Hoggaamiyaha Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa uu shaaciyay inay Axadda soo socoto ee 29-ka bishan ay isku soo bax kale ku qaban doonaan fagaaraha Jacaranda ee deegaanka Embakasi ee magaalada Nairobi, isagoo hoosta ka xarriiqay inaysan jirin sabab ay wadanka doorasho guud uga dhacdo 2027-ka ka hor inta aan wax laga qaban khaladaad ay siyaasiyiinta mucaaradka aaminsan yihiin inay dhaceen sanadkii hore.

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa dankiisa sheegay in dal uunan nabad ahaan karin haddii aynan caddaalad jirin.