Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya, Raila Odinga ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ku dhaliilay hadal uu dhawaan jeediyay oo ku saabsanaa la dagaalanka falalka musuqmaasuqa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulka talada dalka haya uunan daacad ka ahayn xallinta falalka lagu lunsado kheyraadka dadweynaha .
Raila Odinga oo munaasabado uga qayb galay ismaamullada Vihiga iyo Busia ayaa sheegay in madaxweyne Ruto uunan ka fiirsan hadalkii ahaa in qofka musuqmaasuqa sameeya xabsiga loo taxaabi doono ama laga takhalusaya haddii uunan wadanka iskaga cararin.
Waxaa uu ku celceliyay in hoggaamiyaha dalka aan looga baahneyn hanjabaado balse qorsho cad oo wax looga qabanaya musuqa.
Raila Odinga ayaa dhanka kale hoggaanka dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee COTU ku dhaliilay inaynan u ololeyn arrimaha howlwadeennada dalka oo ay taageeraan maamulka Kenya Kwanza.
Hasa ahaate waxaa hadalka madaxweynaha soo dhaweeyay guddoomiyaha baarlamaanka dalka, Moses Wetangula.
Dhankiisa, madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi oo taageeray hadalka madaxweynaha ee ka dhanka ah musuqmaasuqa ayaa sheegay inuu jiro shakhsi ilaa saddex dacwadood geeyay maxkamadaha taasoo saameysay shirkadaha soo saaro sonkorta ee galbeedka dalka.