DHAGEYSO:Raila Odinga oo madaxweynaha dalka ku eedeeyay in maamulkiisa uu ku guuldareystay ka falcelinta saameynta El Nino

0
200

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa si kulul dowladda dhexe ugu eedeeyay inay ku guuldaraystay inay ka falceliso saameynta ka dhalatay cimillada ElNino ee loo yaqaano deyr biyo badan.
Roobab xooggan oo wali da’aya ayaa sababay daadad khasaaro kala duwan gaystay.
Raila ayaa dhanka kale madaxweynaha dalka ka codsaday inuu dhageysto muwaadinka caadiga ah si wax looga qabto qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Waxaa uu sidoo kale maamulka talada wadanka haya ugu baaqay inuu joojiyo eedeynta uu u jeedinaya dowladdii ka horreysay ee uu hoggaaminayay Uhuru Kenyatta.