Isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya oo lagu waday inuu shalay ku dhawaaqo cidda xilliga doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ku xigeen u noqonaysa musharraxa madaxweyne ee dalladdan Raila Odinga ayaa go’aankaasi dib u dhigay.
Afhayeenka xoghaynta ololaha madaxweyne ee Mr. Odinga, Prof. Makau Mutua ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay ku xigeenka Raila berri u soo bandhigi doonaan kenyaanka.
Mutua waxaa uu bayaanka ku xusay inay ka war qabaan in shacabka ay si wayn u wada sugayaan shaacinta madaxweyne ku xigeenka xiga ee dalka haddii uu Raila hoggaanka ku guulaysto.
Raila Odinga oo shalay isku soo bax siyaasadeed ku qabtay fagaaraha Kamukunji ee magaalada Nairobi ayaa sheegay inuu berri ku xigeenkiisa ku soo bandhigi doono xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu dhanka kale rajo wanaagsan ka muujiyay inuu loolanka madaxtinimo uga guulaysan doono musharraxa isbeheysiga Kenya Kwanza William Ruto.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii turxaan bixin lagu sameeyay 11 musharrax oo u tartamaya xilka madaxweyne ku xigeenka.
Guddi uu hoggaaminayo wasiir hore Noah Wekesa ayaa liiskaasi ka soo xushay saddex musharrax oo magacyadooda lagu wareejiyay Mr.Odinga si uu midkooda uga soo xusho waxayna kala yihiin hoggaamiyaha xisbiga Narc Kenya Martha Karua, xildhibaankii hore ee deegaanka Gatanga Peter Kenneth iyo madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta haweenka sida Millie Odhiambo, wakiilka haweenka ee Nairobi Esther Passaris iyo wasiir hore Sicily Kariuki ay musharraxa madaxweyne ee Azimio ka codsaday inuu haweeney u soo magacaabo ku xigeenkiisa.
Muddada uu horay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu u qabtay xisbiyada siyaasadeed inay ku soo bandhigaan musharraxiintooda madaxweyne iyo ku xigeenadooda ayaa ku eg maanta oo Isniin ah 16-ka bishan Shanaad.