DHAGEYSO:Raila Odinga oo maanta isku soo bax ku qabanaya ismaamulka Nairobi

0
257

Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa maanta isku soo bax siyaasadeed ku qaban doono fagaaraha Jacaranda ee deegaanka Embakasi oo ka tirsan ismaamulka Nairobi.
Raila iyo mas’uuliyiinta kale ayaa la filayaa inay taageerayaashooda u soo bandhigaan qorshaha garabka mucaaradka ee dalka.
Isniintii la soo dhaafay ayay ahayd markii Mr. Odinga oo dadweynaha kula hadlay fagaaraha Kamukunji ee caasimadda wadanka uu shaaciyay in aynan aqoonsanayn madaxtinnimada William Ruto iyo sharciyadda maamulkiisa.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Azimio oo shalay indhaindhayn ku sameeyay fagaaraha Jacaranda ayaa sheegay inuunan wax isbeddel ah ku imaan qorshahoodii hore.
Wasiirkii hore ee wasaaradda difaaca wadanka sidoo kalena ah madaxa xisbiga DAP-K, Eugene Wamalwa ayaa dhankiisa sheegay in dhammaan hoggaamiyaasha xisbiyada ku mideysan isbeheysiga Azimio ay ka soo qayb geli doonaan isku soo baxa maanta la qabanaya.

Madaxweynaha dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ayaa horay u sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ay xor u yihiin inay isku soo baxyo qabtaan balse aan marnaba loogu dulqaadan doonin inay waxyeeleeyaan howlaha ganacsiga iyo xasiloonida dalka.