Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja- One Kenya ,Raila Odinga ayaa shardi cusub hor dhigay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Waxaa uu Mr. Odinga sheegay inaysan 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan doorasho guud ka dhici doonin wadanka haddii diiwaanka tooska ah ee codbixiyeyaasha aan lagu diyaarin goob waliba oo ay codeyntu ka dhacayso.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegaya in diiwaanka caadiga ah ee codbixiyeyaasha iyo midka elektoroniga oo la wada isticmaalo ay ka hor tag u noqonaysa in khiyaano dhanka codeynta ah la sameeyo.
Waxaa uu guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka u sheegay inay qasab tahay in labada nooc ee diiwaanka lagu diyaariyo goobaha codbixinta maalinta ay doorashadu dhacayso haddii aan sidaasi la sameynin aynan Kenya codeyn guud ka qabsoomi doonin.
In kastoo uunan caddeymo soo bandhigin, Raila ayaa madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto oo hoggaanka dalka kula tartamaya ku eedeyay inuu qorsheynayo inuu natiijada doorashada uga shubto.
Mr. Odinga ayaa xilli uu ku sugnaa magaalada Githunguri ee ismaamulka Kiambu sidatan yiri.
Mr. Odinga oo sheegay in William Ruto uu afar sano ka hor billaabay olole siyaasadeed ayaa dhanka kale madaxweyne ku xigeenka wadanka ka dalbaday inuu soo afjaro dhaliilaha uu u jeedinaya madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Hasa ahaate William Ruto oo ku sugnaa ismaamulka Marsabit ayaa dhankiisa ka soo horjeestay in la isticmaalo diiwaanka caadiga ah waxaa uuna guddiga IEBC ku waafaqay adeegsiga qaabka casriga ah.
Waxaa uu sheegay in Raila Odinga uu u muuqdo mid xilli hore dareemay in loogaga guulaysan doono tartanka madaxtinnimo ee dalka taasina ay tahay sababta uu uga cabanayo qorsho lagu shubanayo natiijada doorashada guud.
Ruto ayaa garabka siyaasadeed ee Azimio ku eedeyay inay doonayaan inay muran geliyaan natiijada codeynta.




