Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo maanta isku soo bax ku qabtay deegaanka Kabete ee ismaamulka Kiambu ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshaha uu maamulkiisa dhaqangelin doono haddii uu bisha siddeedaad ku guulaysto xilka madaxtinimo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in wax badan uu ka qaban doono arrimaha caafimaadka , awoodsiinta dhallinyarada iyo sare u qaadidda wax soo saarka beeraha.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa tusaale u soo qaatay in mararka qaar bukaannada lagu xannibo isbitaallada iyagoo laga dalbanaya bixinta qarashaadka ku baxay daryeelkooda .
Mr. Odinga ayaa mar kale carrabka ku dhuftay in qoys kasta oo uunan dakhli soo gelin ay dowladda bil walbo siin doonto 6,000 oo shilin.
Sidoo kale waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaliilaha loo jeedinaya ee ah inuu dadweynaha marin habaabinaya oo aynan suurtagal ahayn in dowladda ay bil walbo 6,000 oo shilin siiso qoysaska danyarta ah.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo isna maanta ku sugan ismaamulka Migori ayaa mar kale sheegay in aan la joogin xilligii isbeddel lagu sameyn lahaa dastuurka wadanka .
Waxaa uu shacabka halkaasi ku nool iyo si guud kenyaanka ugu baaqay inay musharraxiinta ku kala saaraan waxqabadkooda