DHAGEYSO:Raila Odinga oo isku soo bax siyaasadeed ku qaban doono fagaaraha Kamukunji Grounds ee Nairobi

0
466

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja One-Kenya Raila Odinga oo maanta dib uga soo laabanaya wadanka Koonfur Afrika uu isku soo bax siyaasadeed ku qaban doono fagaaraha Kamukunji Grounds ee magaalada Nairobi.
Guddoomiyaha xisbiga ODM ee ismaamulka Nairobi George Aladwa ayaa sheegay in mudaaharaadka ay qabanayaan uu noqon doono mid nabad ah oo aan cidna lagu dhibaateyn si ay ugu soo bandhigaan natiijo ay aaminsan yihiin in Raila uu ka soo hooyay doorashadii madaxtinnimo ee sanadkii hore.