DHAGEYSO:Raila Odinga oo isku soo bax ku qabtay Nairobi

0
331

Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga ayaa maanta kulan siyaasadeed oo horay loogu tilmaamay munaasabad duco ku qabtay xarunta Jeevanjee Gardens ee magaalada Nairobi.
Mr. Odinga ayaa soo hadal qaaday howlgal maalmo ka hor la sheegay in ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen hooyga wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee dalka Dr.Fred Matiang’i .

Sidoo kale waxaa uu dhaliilay tallaabo shalay lagu xiray majaajilistaha Eric Omondi iyo koox uu hor kacayay oo dibadbax sameeyay.

Raila ayaa laga soo xigtay in Sabtida soo socoto uu isku soo bax siyaasadeed ku qaban doono ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka ka hor inta uunan Axadda u gudbin Kitale oo ka tirsan dowlad deegaanka Trans Nzoia.
Isbeheysiga Azimio ayaa labadii bilood ee ugu dambeeyay qabanayay kulamo ay ku tilmaameen kuwo lagula tashanaya dadweynaha .