Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga oo wareysi gaar ah khadka taleefoonka ku siiyay telefishinka maxalliga ee NTV ayaa sheegay inuu haleelay hergeb daran balse ay hadda xaaladiisa caafimaad soo hagaagaysa.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ka jawaabayay sababta uunan uga soo dhex muuqan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda dhexe ee uu ku baaqay.
Mr. Odinga ayaa sheegay in maanta ay maalinkii saddexaad sii socon doonaan mudaaharaadyada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in bannaan baxyada aynan gaar u ahayn madaxda sare ee isbeheysiga Azimio balse ay kenyaanka ku muujinayaan dareenkooda ku aaddan qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Raila Odinga ayaa sidoo kale beeniyay inuu jiro qorsho ay heshiis siyaasadeed kula galayaan madaxweynaha dalka William Ruto oo uu tilmaamay inuunan isaga weli la soo xiriirin.




