Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja Raila Odinga ayaa dowladda dhexe ku dhaliilay hoos u dhaca dhaqaale ee wadanka.
Waxaa uu xusay in hoos u dhaca dhaqaale ee wadanka laga dareemaya ay tahay hoggaan xumo, madaama dowladda dhexe ay ururisay canshuur dheeraad ah.
Raila Odinga ayaa hadalkan jeediyay xilli uu maanta la kulmay xubnaha xisbiga ODM ee ismaamulka Busia.