DHAGEYSO:Raila Odinga oo dhaliilay qorshaha booliiska Kenya lagu geynaya Haiti

0
331

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja –One Kenya Raila Odinga ayaa ka hadlay qorshaha 1,000 ka mid ah ciidamada booliiska dalka lagu geynaya wadanka Haiti si ay uga qayb qaataan la dagaallanka kooxo hubeysan oo halkaasi dhibaatooyin ka gaysta.
Waxaa uu sheegay in Kenya ay wajahaysa caqabado amni oo uga imaanaya dhanka argagixisada sidaasi awgeedna aynan hadda ahayn in mudnaan la siiyo ciidamo la geeyo Haiti.
Waxaa uu Raila su’aal geliyay sababta saraakiisha booliiska ee dalka ay uga howlgeli karaan waddan masaafo ahaan aad uga fog Kenya .
Raila ayaa sheegay inay jiraan waddamo badan oo uu Maraykanka ka mid yahay oo u dhow Haiti oo dowladda dalkaasi garab amni siin karo.