DHAGEYSO:Raila Odinga oo dhaliil u jeediyay dowladda dhexe

0
257

Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga ayaa dowladda talada haysa ku eedeyay inay caqabad ku noqotay madax bannaanida baarlamaanka iyo waaxda garsoorka.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kitui ayuu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka hoosta ka xarriiqay in baarlamaanka uu u xil saaran yahay dejinta xeerarka iyo kormeerka howlaha dowladda dhexe.
Waxaa uu Mr. Odinga carrabka ku adkeeyay in golaha fulinta ee dowladda dhexe uu carqaladeynaya xuquuqda laamaha kale ee dastuuriga ah.