Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa dowladda dhexe ka dalbaday inay hoos u dhigto qiimaha lagu iibiyo shidaalka noocyadiisa kala duwan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulka qaabilsan maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka ee dalka EPRA laga doonayo inuu bishan qiimaha halkii liitar ee shidaalka ka dhigo inta u dhexeysa 45 ilaa 50 shilin.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa arrintan u aaneeyay in qiimaha shidaalka ee caalamka uu hoos u dhacay.
Sidoo kale waxaa uu xusay in shidaalka oo weli sarreeya ay ka mid tahay sababaha aan weli loo yareyn sicir bararka nololeed ee dalka ka jira.