Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa Israa’iil ka dalbaday inay si degdeg ah u joojiso weerarrada ay ka wado Qaza.
Raila ayaa sheegay inay arrin laga xumaado tahay in halkaasi lagu beegsanaya carruur iyo haween aan waxba galabsan.
Waxaa uu madaxweynaha dalka William Ruto ka dalbaday inuunan aamusin oo uu arrinkan ka hadlo.
Madaxa ODM ayaa madaxweynaha dalka ku dhaliilay go’aan uu horay garab istaag ugu muujiyay Israa’iil.
Raila Odinga ayaa dowladda Kenya ugu baaqay inay dhibaatooyinka ka taagan Qaza ka qaadato go’aan cad oo ay mowqifkeeda caddeyso sidii Midowga Afrika.
Mr. Odinga ayaa sheegay inay garab taagan yihiin shacabka Falastiin.