Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga oo isku soo baxyo kala duwan ku qabanaya ismaamulka Nairobi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inuu loolanka madaxtinnimo uga guulaysan doono Ruto.
Waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn uga timid madaxweyne ku xigeenka dalka oo ahayd in Raila uu xilli hore dareemay in tartanka looga adkaan doono.
Raila Oding ayaa xilli uu dadweynaha kula hadlay xaafadda Makongeni xusay inay si wayn ula dagaallami doonaan musuqmaasuqa si loo helo lacago lagu fulin karo ballanqaadyada horumarineed ee isbeheysiga Azimio.