DHAGEYSO:Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweyne Laftagareen oo shir ku guddoomiyay Baraawe

0
437

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayey Xaqiijinta Amniga Doorashooyinka waxay la qaateen Saraakiisha Laamaha Amniga Qeybahooda kala Duwan iyo Taliska Ciidanka Amisom Qeybta Degmada Baraawe.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay ujeeddada socdaalka ra’iisul wasaare Rooble uu ku tagay degmada Baraawe.