DHAGEYSO:Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isku shaandhayn ku sameeyey golihiisa wasiirrada

0
276

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa isku shaandheyn ku sameeyey qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada, isaga oo xilka ka qaaday wasiirkii maaliyadda, halka uu magcaabay xubno cusub.
Waxaa uu ra’iisul wasaraaha xilkii ka qaaday wasiirkii maaliyadda ee Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, wuxuu u magcaabay Biixi Iimaan Cige oo hore u ahaa wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada.
Dr. Maxamed Cilmi Ibraahin ayaa loo magcaabay inuu noqdo wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, isaga oo ah xubin cusub oo ku soo biirtay golaha wasiirrada ee xukumadda Soomaaliya.
Abuukar Jaylaani Sheekh ayaa loo magcaabay inuu noqdo wasiirru dowlaha awqaafka iyo arrimaha diinta, halka Saadaad Maxamad Nuur loo magcaabay wasiirru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka.
Afhayeenka xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaliya Farxaan Maxamad Jimcaale oo warbaahinta u akhriyay wareegtadan ayaa sheegay in mas’uuliyiinta la magcaabay la farayo inay xilka ula wareegaan sida ugu dhakhsaha badan.