Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay Heshiis lagu mideynayo qaar kamid shirkadaha korontada bixiya ee Muqdisho, si shacabku u helaan koronto qiimo jaban, awood leh, la iskuna haleyn karo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalka Soomaaliya laga helo adeeg koronto oo ku filan dalka, taas oo ay awoodi karaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskani uu horseedayo fursado waaweyn oo wax ka beddeli kara korontada dalka, taas oo fursad siineysa ganacstada Soomaaliyeed.
Waxaa uu xusay in loo baahan yahay in shirkadaha Korontada ka shaqeeya ay il gaar ah ku eegaan goobaha danta guud iyo kuwa cibaadada, kuwaas oo had iyo jeer loo baahan yahay in laga helo koronto joogto ah.
Heshiiska oo ay isku soo duba ridday Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa kala saxiixday shirkadaha Banaadir Electric Company, BlueSky Energy iyo Mogadishu Supply.