DHAGEYSO:Qoysaska danyarta ah ee Mandera oo deeq raashiin ah loo qaybiyay

0
494

Machadka xisaabaadka hantida dadweynaha ee ICPAK ayaa lagu soo warramayaa inuu deeq raashiin ah gaarsiiyay qoysaska danyarta eek u nool ismaamulka Mandera.
Waxaa gargaarka cunno ka faa’iidaystay in ka badan 30 qoys.
Guddoomiyaha ICPAK ee gobolka waqooyi bari Cabdinuur Aadan ayaa sheegay in ay barnaamijkan ugu tala galeen in looga farxiyo dadka saboolka ah maadaama ay nagu soo fool-leedahay ciidul fidriga.
Waxaa uu mas’uulkan intaa ku daray in sanad kasta xilliga bisha Ramadaan ay deeqdan bixin doonaan.
Cuntooyinka la bixiyay ayaa isugu jiro 25 kiilogaraam oo bariis ah , bur , saddex liitar oo ah saliidda cuntada lagu karsado iyo waxyaabaha loo adeegsado nadaafadda oo ay saabuunnada ka mid yihiin.
Dhanka kale Ugaas Cismaan raqiso oo ka mid ah waxgaradka dowlad deegaanka Mandera ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhallinyarada ay xilligan oo lagu jiro bil barakeysan sameynayaan dhaqan xumo taasoo la doonayo in xal loo helo