DHAGEYSO:Qoysas 4 sano ka hor ku barakacay daadadkii Busia oo baaq u diray dowladda

0
167

In ka badan 18 qoys oo ku jiro xero ku taalla deegaanka Budalangi ee ismaamulka Busia ayaa dowladda sare iyo midda ismaamulka ku eedeyay in ay u muuqato in la iska hilmaamay barakacayaashii daadadka ee afar sano ka hor oo aan wax daryeel ah la siin.
Guddoomiyaha barakacayaashan, Godfrey Wanjala ayaa sheegay in aynan jirin barnaamijyo dadkan loogu tala galay oo halkaasi laga fulinaya.
Waxaa uu intaasi ku daray in carruurtooda ay waxbarashada ka hareen maadaama aynan lahayn awood dhaqaale oo ay uga bixiyaan tacliinta.
Wanjala ayaa guddoomiyaha ismaamulka Busia , Paul Otuoma iyo madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inay qorsho u dejiyaan barakacayaasha daadadkii Budalangi ee afar sano ka hor.