DHAGEYSO:Qoys ku nool waqooyiga Mandera oo dalbanaya cadaalad ka dib markii wiilkooda ay laamaha ammaanka dileen

0
843

Qoys ku nool waqooyiga dowlad deegaanka Mandera ayaa dalbanaya cadaalad ka dib markii mid ka mid ah ehelkooda lagu dilay inta u dhexeysa magaalooyinka Rhamu iyo Banisa ee ismaamulkaasi.
Waxaa ay dilkan ku eedeeyeen saraakiisaha booliska dalka ee howlgala dowlad deegaankaasi.
Marxuumka ayaa la sheegay in laamaha ammaanka ay kasoo wadeen saldhigga booliska ee magaalada Banisa, iyagoo u soo waday deegaanka Rhamu si guddomiye xaafadeedyada halkaasi ay u gartaan.
Qoska ayaa hay’adhaha udooda xuquuqda aadanaha iyo maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA ugu baaqay inay arrinkan baaritaano ku sameeyeen